Hir-Shabeelle oo qorsheysay dagaal ka dhan ah ‘AS’

Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ku dhawaaqay in uu dhowaan Galbeedka Gobolkaas uu ka billaabanayo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ si gacanta loogu dhigo deegaannada maamulkaas ka maqan.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle (Xasan Carabey) ayaa ku baaqay in Bulshada degen Galbeedka Gobolkaas in ay ka qaybgalaan gulufkaas ka dhanka ah ‘AS’.

 

Ciidanka Xoogga Dalka ayuu sheegay in ay diyaar u yihiin fulinta howlgalkaan waxaana uu tilmaamay in Dadka deegaanka looga baahan yahay inay ku biiriyaan ama ku taageerayaan waxyaabaha looga baahan yahay.

 

Gobolka Hiiraan waxaa muddooyinkii dambe hoos u dhacay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ Balse Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa dhowaan ku dhawaaqay in dib loo billaabayo howlgalladaas.