DG Koofur Galbeed oo kordhisay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’

Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Deegaanno katirsan Gobollada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose waxaana ciidamada Daraawiishta lagu xoojiyay ciidanka Federaalka.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, maalmihii u dambeeyay waxaa Magaalooyinka Baydhabo iyo Xuddur ka socday abaabulka diyaarinta Ciidamo katirsan kuwa 60aad ee Federaalka, Daraawiishta iyo Dadka Deegaanka.

Howlgalkaan ayaa loo qaybiyay dhowr qayb waxaana ugu horreeya in la xaqiijiyo isu socodka Degmooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed si aanay u go’in isu gudubka Sahayda ciidanka.

Wajiga labaad waa in tuulooyinka ay joogaan ‘AS’ lagu qaado duullaan culus si gacanta loogu dhigo isla markaana saldhigyo cusub ay ka dhigtaan ciidamada dhowaan lagu tababaray duleedka Magaalada Baydhabo.

Saraakiil ciidan oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay booqasho ku tagayeen deegaanno katirsan Gobollada Baay, Bakool & Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyaga oo la kulmay hoggaanka ciidamada.