DG Koofur Galbeed oo xal u raadinaysa dagaal beeleed ka dhacay Diinsoor & Buurhakaba

Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa u istaagtay xal u helista dagaal beeleed dhowaan ka dhacay Magaalooyinka Diinsoor iyo Buurhakaba oo sababay dhimasho, dhaawac & barakac ay sameeyeen qaar kamid ah Dadka Magaalooyinkaas.

Wafdi Wasiirro u badan oo katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa u ambabaxay Diinsoor & Buurhakaba iyada oo lagu wado in ay la kulmaan madax-dhaqameedka Maleeshiyaadka dagaalamay si xal loo helo.

Waxaa lagu guulaystay in xabbad-joojin la kala dhex-dhigo maleeshiyaadkii dagaalamay kaddib waxaa dhiman oo loo gudbayaa sidii xal loogu heli lahaa waxa keenay dagaalka dhexmaray beelahaan walaalaha ah.

Magaalada Baydhabo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa ka dhacay kulan looga tashanayay sidii xal loogu heli lahaa dagaal beeleedyada ka dhacay deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedkaas.