DGEGEYSO:>Maamulka Koofur Galbeed Oo Dowlada Kacodsady in Kacanta lagu Soo Dhigo Dadkii kadan Beeyay Dilka Xildhibaanad ruqiyo

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay dilkii xalay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya loogu guuleystay xildhibaan Ruqiyo Xasan Abshir (Gabbane) oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Maamulkaasi.

Dabley hubeysan ayaa fiidnimadii xalay waxa ay xildhibaanada ku dileenĀ gudaha Farmashiye ku yaalla Xaafadda Suuqa Cawska oo aanan sidaa uga fogeyn isgoyska Maana-booliyo ee degmada Shibis.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ahna ku simaha Guddoomiyaha Aweys Xasan Maxamed oo la hadlay warbaahintaĀ  ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed marka hore ay uga tacsiyadeynayaan geerida Marxuumad Ruqiyo.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in RuqiyoĀ ay ka mid aheyd gabdhaha ugu firfircoon ee ka tirsan Baarlamaanka, sidoo kalena aheyd qof furfuran oo xildhibaanda ay jeclaayeen sheekadeeda iyo furfurnaanteeda.

Aweys Xasan Maxamed ayaa dilka xildhibaanada ku eedeeyay ururka Al-shabaab, wuxuuna sheegay in Dowladda looga baahan yahay in aad uga fakarto ammaanka caasimadda, maadaama ay tahay meesha ay sida gaarka ah uga taliso.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay cadaaladda horkeento raggii ka dambeeyay dilka xildhibaanada, baaritaano iyo dabagal dheeraad ahna ay ku sameyo waxa dhacay.

Waa xildhibaankii Labaad ee ka geeryooda Baarlamaanka hada jira ee Koonfur Galbeed, maadaama 7-dii bishanĀ Qarax Miino oo ka dhacay degaan u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Ā WanlaweynĀ  lagu dilay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir C/raxmaan Cali, sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsanaa Maamulka.

HOO KADHGEYSO CODK GUDOOMIYE KUXIGEENKAĀ