DHAGAYSO:Ciidamo Katirsan Mamulka Galmudug Oo Kubxay Dagaal Kasoo Cusboonaaday Deegaano Hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Ciidamo katirsan maamulka galmudug  ayaa kubaxay   Dagaal kasoo cusboonaaday  deegaano  hoostaga degmada maxaas ee gobolka hiiraan.

Dagaalka oo taagnaa todobadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dagaaladii  u dambeeyay ay ku geeriyoodeen ilaa 5 ruux oo  labada maleeshiyo ee degaalanta ka soo kala jeeda sida radio galgaduud uu u xaqiijiyay nabadoon maxamuud cabdulle {rogomey} oo waraysi gaar ah siiyay radio galgaduud.

Dhanka kale Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegayan in ay Magacaabeen gudi ka qeyb qaata joojinta dagaal beeleedyadaas,isaga oo ugu baaqay maleeshiyaadka dagaalamaya in ay joojiyaan dagaalka.

Dagaalkan oo ka socday deegaano u dhaxeeya xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa horay u fashilmay wadahadallo ay sameeyeen Waxgaradka deegaannada lagu dagaalamay.

Hoos ka dhagayso warbixin uu inooga diyaariyay  wariyaha radio galgaduud Cabdinuur Faarax Xassan iyo waraysi uu layeeshay nabadoon Rogomey.