(DHAGEYSO): Cabdi Qeybdiid “Weerarkii lagu soo qaaday gurigeyga waxaa la rabay in la igu khaarijiyo”

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee labada Gole ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay kaga hadlay dhacdadii Ciidamo ka tirsan dowladda ku weerareen gurigiisa 30 bishii December ee sanadkii hore 2017.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in weerarkaas la doonayay in lagu khaarijiyo, isla markaana ciidamada ka dambeeyay ay ahaayeen Ciidamo laga soo amray Dugsiga Tababarka Jen. Gordon oo uu maamulo Imaaraadka Carabta, iyagoo kaashanayay Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in wali ay jirto qatar ah in la doonayo in khaarijiyo, waxaana uu ugu baaqay Baarlamaanka labada gole in arrintan Guddi u saaraan, maadaama ay xadgudub ku tahay ammaanka Qaranka.

Cabdi Qeybdiid ayaa Sidoo kale uu sheegay inay jirto faragelin qaawan oo shisheeye, inkastoo aanu sheegin cida faragelintaas wada.

Halkan hoose ka dhageyso shirka jaraa’id