DHAGEYSO: Diyaarad Xamuul ah oo ku burburtay Gobol ka tirsan Somaliya

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay inay jirto diyaarad nooca xamuulka qaadda, oo ku dhacday duleedka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

C/fitaax Xaaji Cabdulle, Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Maaliyadda ee Maamulka Shabellaha Hoose, ayaa tilmaamay inay helleen xogta ku aadan diyaaradan, gelinkii dambe ee maalintii Arbacada.

Gudoomiye Kuxigeenka, ayaa ka hor inta aanay dhicin diyaaradaasi sheegay in lagu arkay iyadoo joog hoose ku duuleysa inta u dhaxeyso Degmada Wanlaweyn iyo Deegaanka Warmaxan, isla-markaana ay u muuqatay inay kor u kici la’dahay, sababo ku aadan diyaaradda oo loo maleynayo inay xamuul ka tan badan siday.

C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa qeexay in diyaaradaasi ay ku dhacday Deegaanka Labiga Dhaadheer, oo ku dhow Xeradii hore ee Ciidanka Kumaandooska Somaliyeed ee Kaba Hirig.

Cabdulle, ayaa intaa ku daray in Maamulka Degmada Wanlaweyn iyo Booliska Degmadaba, ay tan iyo xalay kala warbixino qaadanayeen Saraakiisha Ciidamada Somalida iyo kuwa Mareykanka, ee ku sugan Garoonka Balli-doogle, isla-markaana ay si dhow uga wada hadlayeen wararka ku aadan burburka diyaaradda.

Dhageyso: Wareysiga C/fitaax Xaaji Cabdulle