DHAGEYSO: Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay Wadooyinka Xiran ee magaalada mugadisho

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay xernaasha wadooyinka Muqdisho iyo dhibaatooyinka ay shacabka muqdisho ku qabaan.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in ilaalinta hantida iyo amniga muwaadinka Soomaliyeed ay Xukuumada Soomaaliya masuul ka tahay.

Waxa uu tilmaamay in Xukuumada Soomaaliya ay la timado qorshayaal cad cad oo lagu xaqiijinayo amniga dalka oo aan ahayn in wadooyinka shacabla laga xero.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay awoodooda ku soo aruurtay keliya iney weerro gaadmo ah geystaan muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka iney la shaqeeyaan Hay’addaha amaanka ee dowladda.

Maalmihii dambe ayaa wadooyinka muhiimka ah ee caasimada la xeray sababo la xiriiro weeraro laga cabsi qabay in Al-Shabaab ka geystaan Muqdisho sida ay sheegeen saraakiisha hay’addaha amaanka ee dowladda

Hoo kadhgeyso codka jawaari