Dhageyso: Gudoomiyaha Cadaado oo beeniyay in Baabuurta la xanibay ay wadeen Hub

Gudoomiyaha Degmadda Cadaado C/llaahi Tootoole oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Gawaari Xamuul ah oo dhawaan lagu xanibay Magaaladda Cadaado ay wadaan Hub ama Saanad ciidan saaranyihiin.
Waxa uu sheegay in arintaasi ay been abuur tahay laguna doonayo in lagu suurad xumeeyo Amniga Cadaado, sababta Gaadiidkaas loo celiyayna ay tahay qalad, waxa uu ugu baaqay Bulshadda in Dadka qoryahaha la ag fadhiya Baabuurtaas ay kala diraan loona baahneyn in Cadaado noqoto meel aan la mari karin oo Dadka Safarka ah lagu dhibo.
Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado talaabo dhawaan lagu celiyay Bar kontarool oo cadaado ku taala Baabuur iyo Saraakiil ka tirsan Qaramada midoobay oo ka yimid Gaalkacyo kuna socday Magaaladda Dhusomareeb ee Caasimadda Galmudug, waxa uu sheegay Gudoomiyihu in arintaas wax Maamul kasoo baxay aysan aheyn oo ay tahay arin si qalad ah ku dhacday, waxa uuna uga digay Booliiska Degmadda Cadaado in arintaas aysan mar kale soo noqoto.
Halkan Hoose ka dhageyso Codka Gudoomiyaha.