Dhageyso:-Layrarka Ku Shaqeeya Ileyska Cad-Ceedda Oo Laga hirgeliyay Qeybo Ka Mid Ah Degmada C/Casiis

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng: C/raxmaan Cusmaan Yariisow iyo gudoomiyaha degmada C/casiis ayaa goobjoog ka ahaa munasaba lagu daah-furayay layrarka ku shaqeya ileyska cad-ceedda oo dhawaan la geliyay waddo laami ah oo tagta xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha degmada C/casiis ayaa sheegtay in ay ku farxsantahay in laga hiregeliyo layrarkan wadada laamiga ah ah ee dhawaantaan la dhisay waxaana ay fartay dadka deegaanka in ay ilaashadaan kana shaqeeyaan hagaajinta bilicda caasimadda.

Dhinaca kalana guddoomiyha gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ku howlanyhiin soocelinta bilicda maagaalada lana qurxinayo dhamaan magaalada,isaga oo intaas sii raaciyay in uu u mahadcelinayo shacabka degmada C/casiis iyo maamulka oo arrintaan ka shaqeeyay.