DHAGEYSO: Madaxa Xukumadda Galmudug oo Tababar u soo xiray Ciidamo Cusub deegaanka Balihowd

Arbaco, Feb 21, 2018(GNN) Madaxa xukumadda maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa duleedka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud tababar ugu soo xiray ciidamo cusub oo ka mid noqonaya kuwa Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa tilmaamay in ciidamadan tababarka loo soo xiray looga baahan yahay inay u diyaar garooban dagaalka ka dhan ah Al shabaab islamarkana laga xoreeyo deegannada Galmudug.

Madaxa xukumadda Galmudug ayaa sheegay in Al shabaab ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed islamarkana ciidamadan laga rabo inay ka dulqaadan.

“ waxaa la idinka baahan yahay maanta tababar ayaad dhameysateen waxaa la raba inaad qaadan dagaal ka dhan ah Al shabaab si cadowgga dadkeena uga kor qaadno ayuu yiri’ Shaakir.

Shaakir ayaa kula dardaarmay ciidamadan  inay gutan waajibaadka saaran islamarkana ay shacabkooda ka kor qaadan Al shabaab.

Madaxa xukumadda Galmudug ayaa sheegay in maamulkooda  uu ku dadaalayo inay noqdan  maamulkii ugu horeyay ee Al shabaab ka saara deegannadooda.

Abdijamal Moalim  Ahmed.

Radiogalgaduud.com

Abduljamal20@gmail.com

info@radiogalgaduud.com