Dhageyso:-Madaxweynaha Soomaaliland Oo Codsi U Diray Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna isu-duwaha arrimaha Gargaarka Bini’aadanimada Mr. Peter de Clercq.

Kulankan oo k dhacay Madaxtooyada Somaliland ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa kala qayb galay Wasiiro ka tirsan Maamulka Soomaaliland guddoomiyaha hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Keydka raashinka Faysal Cali Sheekh iyo masuuliyiin kale.

Labada dhinac ayaa kulankooda ayaa waxa ay kaga wada hadleen xaaladda guud ee Somaliland, iyaga oo si gaar ah ahna diiradda u saaray xaaladda abaareed ee ka soo cusboonaaday meelo badan, waxaana la isla gorfeeyey baahida loo qabo inay qaramada midoobay kaalin buuxda ka qaadato xaaladda abaareed sida looga gudbi lahaa.

Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga wada-hadlay, ayaa waxa ka mid ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa saamiga ay qaramada midoobay ku taageerto Somaliland, Mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan in la gaarsiiyo gobollada Maamulkaas iyo qodobo kale.

Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna isu-duwaha arrimaha Gargaarka Bini’aadanimada Mr. Peter de Clercq ayaa ayaa isna soo dhaweeyay qodobada uu u soo bandhigay in wax laga qabto Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka Arrimaha Dibada Maamulka Soomaaliland Sacad Cali Shire ayaa Wrabahinta u faah afahiyay qodobada ku jiray kulankaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka