DHAGEYSO: Madaxweyne Xaaf Oo ka hadlay Iscasilaadda Jawaari

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ka hadlay Iscasilaadii uu maanta Sameeyay Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweyne Xaaf waxaa uu sheegay in ay muhiim aheyd in uu tanaasulo Jawaari si loo dhameeyo Khilaafka Maalmihii lasoo dhaafay ka dhex taagnaa Golaha Shacabka.

Xaaf ayaa waxa uu hambalyo u diray Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo uu sheegay in uu yahay nabadoon waxa uu intaas ku daray in Gudoomiyuhu iscasilay saaka isaga oo u tanaasulay sidii wadanka uusan dib u dhac iyo burbur uga badbaadin lahaa.

Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay ka taxadarto  Khilaafka joogtadda ah ee soo laablaabtay, waxaana uu sheegay in Soomaaliya aysan maanta u baahneyn Khilaaf.