DHAGEYSO: Madaxweyne Xaaf Oo Kubaaqay in loo Soojeesto disida Deegaanada Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaalle Xaaf  ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadii Bulshadda.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Galmudug ay dhaqaalle ku taageeri doonto dhismaha Wadooyinka iyo sidoo kale kaabayaasha dhaqaallaha Galmudug.

Xaaf waxaa uu sheegay in Dekedda Hobyo lagu dhisi doono dhaqaalle ay ka heleen Dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka.

Madaxweynaha waxaa uu xusay in bulshadda laga doonaayo in ay muujiyaan isku duubni si looga gudbo dhibaatooyinka iyo sidoo kale Wada shaqeyn la’aanta.

Waxaa uu sheegay in sanadkaan ay bilaabi doonaan Mashaariic badan oo loogu tala galay in lagu horumariyo Galmudug.

Hoos kadhegeyso codka xaaf