Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa Xukun dil Toogasha ah ku xukuntay Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya.
Waxaa lagu eedeeyay in uu dil bareer ah u geystay Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidamada Badda Sareeyo Guutto Siciid Aadan Yuusuf Mariino.
Maxkamadda Ciidamada ayaa horay u dhageysatay Kiiska waxaana ugu dambeyntii ay maanta ku xukuntay dil toogasho ah.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad Ciidamada Qalabka Sidda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u aqriyay xukunka lagu riday Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh .
Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya ayaa Saciid Mariino taliye ku xigeenkii badda ku dhex dilay Xafiiskisa 18-kii Bishii lasoo dhaafay.
hoos kadhegyso codka