DHAGEYSO:-Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Goordhow Xukun Ridday

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa Xukun dil Toogasha ah ku xukuntay Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya.

Waxaa lagu eedeeyay in uu  dil bareer ah u geystay Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidamada Badda Sareeyo Guutto Siciid Aadan Yuusuf Mariino.

Maxkamadda Ciidamada ayaa horay u dhageysatay Kiiska waxaana ugu dambeyntii ay maanta ku xukuntay dil toogasho ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad Ciidamada Qalabka Sidda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u aqriyay xukunka lagu riday  Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh .

Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya ayaa  Saciid Mariino taliye ku xigeenkii badda  ku dhex dilay Xafiiskisa 18-kii Bishii lasoo dhaafay.

hoos kadhegyso codka