DHAGEYSO: Qaban,qaabada Shir looga hadlaayo Xaaladda Ammaan ee dalka oo ka furmaya Kismaayo

Maalmaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlaayo Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya.

Shirkaan oo hadda qabanqaabadiisa ay ka socota Magaalada Kismaayo waxaa ka qeyb gali doona xubno ka socda maamul goboleedyadda, dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka.

Wasiirka Amniga dowlad goboleedyadda Jubbaland Cabdirashadiid Xasan Nuur Janan ayaa sheegay in Shirkaan waxyaabaha diiradda lagu saari doono ay ka mid yihiin wada shaqeynta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM iyo hagaajinta Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in sidoo kale shirkaasi looga hadli doona sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntii Wasiir Cabdirashiid ayaa tilmaamay in Jubbaland ay diyaar garowday soo dhawweynta Mas’uuliyiinta ka qeyb galaya Shirkaasi

Hoos kadhegeyso codks Wasiirka Amniga dowlad goboleedyadda Jubbaland Cabdirashadiid Xasan Nuur Janan