DHAGEYSO: Sanbalooshe oo ka hadlay arinta dhiibidda Qalbi-dhagax

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa si aan toos ahayn uga hadlay tallaabadii lagu wareejiyay C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax).

Dowladda Somaliya, ayaa daba-yaaqadii bishii August ee sanadkii hore ninkaasi u gacangelisay Dowladda Itoobiya, taasoo ka careysiisay umadda Somaliyeed, dal iyo dibadba.

Sanbaloolshe oo wax laga weydiiyay dhiibistii Qalbi Dhagax, ayaa ka war wareegay cidda rasmiga ahi ee ninkaasi u dhiibtay Dowladda Itoobiya, balse uu go’aankaasi ahaa mid dowladeed, haddii Golaha Wasiirada Somaliya ay war ka soo saareen.

Dhageyso: Sanbaloolshe oo u waramay VOA