DHAGEYSO: Wasaaradda Amniga Oo War kasoo Saartay Qaraxa ka dhacay Muqdisho

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay Qarax gaari oo galabta ka dhacay ka soo horjeedka Hotel Wehliye oo ku yaalla wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdisho.

Gaari uu kaxeynayay nin isa soo miidaamiyay ayaa beegsaday Maqaaxi lagu shaaxeeyo oo galabtii si aad ah loo soo camiro, sidoo kale waxaa halkaasi ku yaalla goobo ganacsi sida Dukaaman, goob Timaha lagu jarto iyo waliba Bakhaaro.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/casiis Xildhibaan oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa marka hore tacsi u diray dhammaan ehelada dadkii qaraxaasi waxyeelada ay ka soo gaartay.

C/casiis Xildhibaan ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku geeryoodeen 14 qof, halka ay ku dhaawacmeen 6 qof oo kale, warar ka madax banaan Wasaaradda Amniga waxa ay sheegayaan in khasaaraha uu intaas ka badan yahay.

Wuxuu sheegay in weli Hay’adaha ammanaka ay wadaan baaritaano dheeraad ah ayna soo bandhigi doonaan, Shacabka Soomaaliyeed ayuu ka codsday in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortago inuu daato dhiiga qof muwaadin ah.

Dhanka kale Wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj, kana bad baaday qaraxa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marqura uu ka war helay jug culus iyo uuro cirka iksu shareertay, wuxuuna tilmaamay inuusan ka warheyn meesha uu ku dambeeyay qof uu ku waday Mootada.

Khasaaraha ugu badan Qaraxan wuxuu ka soo gaaray Dhalinyaro ku shaqeysaneysay Mooto Bajaajta oo wadada marayay iyo dad goobo ganacsi ku lahaa halkaasi, kuwaasi oo u badnaa Haween.

War Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda weerarkan, waxayna Shabaabku sheegeen in ay beegsadeen Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

11-kii bishii September 2017-kii ayay aheyd markii sidan oo kale isla goobtan uu ka dhacay Qarax gaari, kaasi oo dilay inka badan 5 ruux, ayna ku dhaawacmeen 9 kale, sida ay sheegeen Hay’adaha ammaanka.

HOOS KADHEGEYSO CODKA XILDHIBAANÂ