DHAGEYSO: Wasiirka Difaaca oo sheegay in AlShabaab ay maleegayaan Weeraro ay Kagestan muqdisho

Wasiirka Difaaca dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay maleegayaan weeraro cusub.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka hortaggaan weerar kaste oo Shabaab kaga yimaada.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Shabaab ay waddaan qorshayaan cusub oo ka dhan ah dowladda , islamarkaana ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed laga doonaayo in ay la yimaadaan qorshe cusub.