Dhageyso:-Xildhibaanad ubax tahliil Qaraxyada Muqdisho Al-Shabaab Kaliya Kama Danbeeyaan

Iyada oo shalay Muqdisho mudo saacado gudahood ah ay ka dhaceyn laba qarax oo khasaaro geystay ayaa waxaa si kulul uga hadashay Xildhibaanad Ubax Tahliil oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in qaraxyada ka dhacaya Muqdisho aysan kaliya aheyn Al-Shabaab balse ay jiraan dad arrimo Siyaasadeed darteed qaraxyada u fulinayaan sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in waxa u baahan in baaritaan lagu sameeyo kaliya aysan aheyn  Al-Shabaab balse ay jiraan dad doonaya in  ay dumiyaan Siyaasada dalka.

Ciidamada Qalabka sida ayay ugu baaqday in kaalin weyn ka qaataan sugida amniga dalka,isla markaana aysan howlshooda ku dhex milmin xiisada Siyaasadeed ee dalka ka jirta si ay Ummadda Soomaaliyeed wanaag u garsiiyaan.

Hadalka Xildhibaanad Ubax Tahliil ayaa ku soo aadaya xili weli uu taagan yahay khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeysa Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.

HOOS KADHEGEYSO CODKA XILDHIBANADA