Dhageyso:Agaasime Koofi Oo Ka Hadlay Qorshaha Bixinta Baasaboorka Iyo Ilaalinta Xuduudaha

Agaasimaha Hey’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi oo howlo Shaqo u jooga dalka Sacuudiga ayaa bilaabay qorsho uu ku hubinayo qaabka ay u socoto howlaha baasaboor bixinta ee Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Riyad.

Masuuliyiin ka tirsan Safaarada ayuu kulamo la qaatay,isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan qaabka bixinta baasaboorka iyo qodobo kale.

Agaasime Koofi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedada safarkooda ee Riyad ay tahay la socodka xaaladaha socdaalka,iyo sida Soomaalida ay ku helaan Baasaboorka Soomaaliga.

Sidoo kale waxa uu sheegay Agaasimaha in xaaladaha la xiriira ilaalinta xaduudaha ay iyana ku howlan yihiin

DHEGEYSO CODKA KOOFI