DHAGEYSO:>Aqalka Sare oo soo saaray Talooyin ku aadan Khilaafka Golaha Shacabka

Guddigii Aqalka Sare ee loo saaray xalinta Khilaafka ka dhex taagan Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in la qabto codeynta Mooshinkii laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ay muhiim tahay in dhinacyadda Mooshinka Keenay iyo kuwa kasoo horjeedda ay Muujiyaan Tanaasul.

Guddiga ayaa xusay in Madaxweynaha Soomaaliya laga doonaayo in uu saaro Caddaadis labada dhinac si loo dhameeyo Khilaafka.

Guddiga waxay go’aamiyeen in muddo tirsiga mooshinka laga bilaabo 18-ka Marso, taasna micnaheeduna yahay in codeynta ay dhacayso 28-ka, haddii hal maalin uu ka dib dhacana uu burayo mooshinka.

Senetor Mashruuc oo ka mid ah Guddigaasi ayaa warbaahinta u sharaxay Qodobadda ay maanta Guddiga soo saareen.