Dhageyso:>Askari Dilay Bajaajle Oo Maanta Xukun Lagu Riday

Maxkamada Ciidamada Qalabka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay xukun ku riday Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan Magalada Baladweyne ku dilay Darawal mooto Bajaajle ahaa.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Magalada baladweyne,waxana dable Mahad Xuseen Shiidow oo 20-Sano jir ah uu dilay Marxuum Yaasiin Cali Saneey oo ka mid ahaa Darawalada Mooto Bajaajka ku shaqeysata ee Magalada Baladweyne.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute ayaa sheegay in askariga uu Bajaajlaha si bareer ah laba xabadood ugu dhuftay 27 Bishii Setember ee Sanadkaan gudaha magalada Baladweyne.

Waxa uu sheegay in xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada Qalabka sida ay u soo gudbisay dacwada loo heystay eedeysanaha,iyo markii ay dhageysatay markhaatiyaasha in Dable Mahad Xuseen shiidow lagu xukumay Dil toogasho.