Dhageyso:>Cabdi Maxamuud Cumar Oo Lagu Jirdilay Xabsiga

Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida  Cabdi Maxamuud Cumar oo lagu Magacaabo Diid Mahad Colow ayaa sheegtay in Wiilkeeda lagu jirdilay Xabsiga uu ku jiray.

Waxa ay sheegtay inay tagtay Xabsiga  uu ku xiran yahay oo ku yaalla Adis Ababa,isla markaana horteeda lagu jirdilay,isla markaan ay arkeysay,iyada oo Madaxa laga garaacaayo.

Sidoo kale waxa ay ka deyrisay xaalada Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida oo ay sheegtay inuu qabo Cudurka Dhiikarka.

“Anaga oo arkeyno ayay 30 Jaranjaro ka soo tuureen aad ayuu u qeylinayey oo wuxuu lahaa tol la’ayee tol la’ayee,kadib weey nasoo eryeen,sidii meyd ayay jiidayeen markii noogu dambeysay ayay tiri Hooyada Dhashay Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka.

Laamaha amniga Itoobiya weli kama hadlin Warka ka soo baxay Hooyada Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya oo ku xiran Xabsi ku yaalla Magalada Adis Ababa.

Hoos kadhegeyso codka hooyada dhashay cabdi maxamuud cumar