Dhageyso:Ciidamada Jubbaland Oo Kala Eryay Dad Banaanbax Ka Dhigayey Balad Xaawo

Iyadoo Magaalada Balad Xaawo ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay derbiga ay dowlada Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhanka balad Xaawo ayaa waxaa arintaas ka carooday qaar ka mid ah shacabka ku nool degmadaas.

Dadka ayaa sameeyay  dibadbax ay uga soo horjeedeen darbiga  dowlada Kenya dhismihiisa ay  ka wado Magaalada Balad Xaawo,waxana banaanbaxa  u diiday Maamulka degmada Balad Xaawo sida ay sheegeen qaar ka mid ah shacabka oo la hadlay Warbaahinta.

Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ka mid ah Dadka ku nool Balad Xaawo  ayaa  sheegay in Maamulka degmada Balad Xaawo ay u diideen  in shacabka degmadaas ay dibadbax ka dhigaan halkaas isagoo sheegay in maamulka ay shacabka u sheegeen in dowlada Kenya halka ay dhismaha kawado ay iyada leedahay dowladda iyo Maamulka jubnaand  ay u fasaxeen sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale maamulka degmada Balad Xaawo oo aan la xariirnay si aan wax uga weydiino warka sheegaa y in ay shacabka u diideen in ay dibadbax ka dhigaan halka ay dowlada Kenya ka wado dhismaha derbiga ayaana inoo suurtagelin.

HOOS KADHEGEYSO MIDKAMIDA SHACABKA BELED XAAWO