Dhageyso:>Ciidamada Xoogga Oo Howlgalo kasameeyey deegano katirsan Gobolka hiraan

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaano ay qaarkood ay mararka qaar weeraro ka sooqaadi jireen Al-Shabaab.

Deegaananda ay Saraakiisha ciidamada dowladda sheegeen in howlgalka laga sameeyey ayaa waxaa ka mid ah,Ceeloow,Maquuf,yabaarayeelle,Sheekh Xasan,Afar-irdood,Dhirimaadle,hees ilaa Garbo,isla markana uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo.

Taliyaha qeybta 5aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in howlgalladu ay yihiin kuwo sii socon doono ilaa deegaanada ay weli ku harsan yihiin Al-Shabaab laga saarayo,isla markana ay howlgalka ku wehlinayaan Ciidamada AMISOM.

Howlgallada ayaa waxa ay ku soo aadayaan xili dhawaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay deegaan Hees oo dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab
HOOS KADHEGEYSO CODKA TALIYAHA