DHAGEYSO:Dowladda oo ka digtay in Hubka waa weyn lagu dhex wato Muqdisho

Muqdisho-GNNFM- Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa Ciidamada Millitariga Soomaaliya ee ka imaanaya Shabeelooyinka uga digay in ay Hubka waa weyn la soo galaan gudaha magaalada, sida Daba-jeexa iyo Qoriga Dhashiikaha.

Wuxuu sheegay arrintan inuu kala hadlay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, wuxuuna Taliyaha soo saaray wareegto ah, marka Ciidamada xoogga imaanayaan Muqdisho in ay fasax ka qabaan isaga.

Sidoo kale wuxuu sheegay Wasiir Islow inaan loo baahneyn in magaalada ay noqoto furin dagaal oo lagu dhexsito Hubka waa weyn oo shacabka lagu qalqal geliyo, taasi bedelkeedana mgaalada ay noqoto mid ka caagan Hubka.

Hoos kadhegyso cadka wasiirkaÂ