Dhageyso:>Guddoomiye Ciro”Siilaanyo iyo Muuse Biixi Shacabka Somaliland weyqiyaameen”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro ayaa ka hadlay heshiiskii dekada Magalada Berbera oo dowladda Imaaraadka ay sheegtay in ay horay ula gashay Xukuumadihii hore ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Ciro oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Magalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Siilaanyo uu  galay Qiyaano Qaran uu ku muteysan karo in Maxkamada lahorgeeyo.

Waxa uu sheegay in heshiiska dowladda Imaaraadka Wasiiru Dowlaheeda uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay la galeen heshiiskii Dekada Berbera uu Madaxweyne siilaanyo ku qiyaamay Qarankiisa,isla markaana uu ka dhigay in Soomaaliland  ay gashay heshiiskaas sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qiyaano taas la mid ah uu galay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ee hadda Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay in lagu wareejiyey dukumiintitigii ama cadeyntii heshiiskaas,isla markaana uusan cadeyn kana aamusay,waxa uuna ugu baaqay in uu is casilo oo uu xilka baneeyo.

Sikastaba hadalkii shalay uu ku sheegay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash in heshiiskii dekada Berbera lala galay Xukuumadihii hore ayaa xiisad ka dhex abuuray Soomaaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro.