Dhageyso:>Jawaari”Wixii Beri Ka Dhaca Golaha Shacabka Masuuliyada Madaxweyne Farmaajo Ayaa Qaadaya

Shira Jaraa’id oo uu goordhow ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu kaga hadlay kulanka Beri ay qabanayaan Xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyey iyo kulamo fashil ku dhamaaday oo uu la qaatay madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye Jawaari ayaa marka hore waxa uu ku eedeeyey Xukuumadda Soomaaliya in ay dabada ka riixeyso mooshinkii laga gudbiyey,isla markaana ay qalalaaso abuureyso,isaga oo sheegay in mar walba lagu cel celiyo in uu ic casilo balse Xukuumadda iyaga looga baahan yahay in ay is casilaan maadaama ay fashilmeen sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay kulanka ay shaaciyeen in Maalinta Berito ah qaban doonaan Xildhibaanad mooshinka ka gudbiyey,waxa uuna sheegay in dhankooda waxwalba oo xal lagu helaayo ay ogolaadeen balse garabka kale ay waxwalba ka socon waayeen.

Waxa uu sidoo kale shirkiisa jaraa’id uu ku sheegay hadalo u muuqday in ay fashilmeen kulan xal raadin ah oo dhex maray isaga iyo Madaxweyne Farmaajo,waxa uuna sheegay in wixii Beri ka dhex dhaca kulanka Golaha Shacabka uu masuuliyadeeda qaadayo,isla markaana uu isaga fasaxay Xildhibaanada fowdada wada ee mooshinka ka gudbiyey sida uu hadalka u dhigay.

HOOS KADHEGEYSO CODKA JAWAARI