Dhageyso:>Maamulka Hir-Shabeelle Oo Sheegay in ay Kahortegayaan Weerarada Al-Shabaab ay Kageestaan Wadada Xiriirisa Jowhar Iyo Balcad

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in gebi ahaan amniga Wadada xiriirisa Balcad iyo jowhar ay xaqiijiyeen halkaas oo weeraro jidgal ah ay ka fulin jireen Al-Shabaab.

Maalin ka hor ayaa waxaa tuulada Gololeey iyo deegaanka Haan-Sheekh,waxaa la geeyey Ciidamo isugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM kadib markii wadadaas ay ku sugatay in Masuuliyiinta Maamulka hir-Shabeelle ay ka go’aan.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) ayaa sheegay in lagu gudbay dhibaatooyin Al-Shabaab ka geysan jireen Wadadaas,isla markaana Wadadaas ay tahay mid u furan cid walba.

Waxa uu sheegay in mar walba Al-Shabaab ay dhibaato u geysan jireen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOm xilliyad ay wadadaas ku socdaalayaan,waxa uuna ugu baaqay Shacabka Gobolka Shabeellaha Dhexe ku nool in ciidamada ay kala Shaqeeyaan sugida AMniga.
HOOS KADHGEYSO CODKA