Dhageyso:Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Ciidamo Cusub Tababar Ugu Soo Xiray Muqdisho+Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliye Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta Tababar usoo xiray Urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kuwaasi oo muddo Sagaal bilood ah Tababar Ciidan oo dhameystiran ku qaatay Magaaladda Muqdisho.

Ciidankaan tababarka loo soo xiray ayaa la baray Gaadda ka ciyaarka Ciidammadda, Isticmaalka iyo Farsamadda hubka fudud, Farsmadda Howlgalada iyo Difaaca, Ilaalinta Xabsiyadda iyo Maxaabiista, Disibiliinka iyo Xeerka C.Q.S.S iyo  kuwa kale.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac oo munaasabadda ugu horeyn ka hadlay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uga warbixiyey Ciidanka Maanta tababarka loo soo xiray  heerarka ay soo mareen iyo qaabka ay u howl gali doonaan, isaggoo xusay in Dufcad kale oo cusub dhowaan Tababar loo furi doono, si loo dar dar geliyo Howlaha Taliska, loona helo jiil cusub oo diyaar u ah in Qaranka ay u qidmeeyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliye Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ciidammadaan ku baraarujiyey in si daacad iyo howlkarnimo  ku jirto ay ugu addeegaan Qaranka, waxaana uu tilmaamay in looga baahan yahay  difaaca dalka iyo sugida Ammaanka Qaranka in masuuliyad gaar ah ay iska saaraan.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay ku jirto dagaal ka dhan ah Alshabaab, islamarkaana dhowaan la qorsheynayo in dhammaan dalka laga sifeeyo.

Intaasi ka dib Madaxweynaha JFS ayaa hortiisa waxa Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ay ku   dhaarisay dhammaan Ciidammaddii Maanta tababarka loo soo xiray, iyaddoo loo xiray Isteelaha Ciidanka, taasi oo muujineysa in si rasmi ah ay uga mid noqdeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Hoo kadhgeyso codka MADAXWEYNAHA  farmaajo