DHAGEYSO:Madaxweyne Kuxigeenka galmudug oo Sheegay in Beelihii ku Dagaalamay Balli sokor heshiis laga gaaray

Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay deegaan ku dhaw Caabud waaq oo lagu magacaabo Balli sokor, ay ku dagaalamayeen halkaasi beelo walaalo ah ayaa waxa ay gaareen heshiis horudhac ah.

Beelaha ku dagaalamayay Balli Sokor ayaa kasoo kala jeeda Cadaado iyo Caabud-waaq, waxaana ka dhashay dagaalka khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxaana ku baxay halkaasi madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, iyo xubno ka tirsan masuuliyiinta Galmudug, oo ay kamid ahayeen Xildhibaano, wasiiro iyo masuuliyiin kale.

Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in in beelahaan walaalaha ah ay ka dhaxeysay diriritu ay isugu geeni doonaan miiska wadahadalka si loo dhameeyo waxyaabaha ay kala tabanayaan, ayna si nabad ah ay ugu wada noolaan lahaayeen.

Inta badan degaanada dhulka Soomaalida ah ee  Baadiyaha ayaa waxaa ka dhaca isku dhacyo kala duwan, waxa ayna inta badan ay isku qabtaan daaqsinka ah.

Hoos kadhegeyso codka