Dhageyso:>Madaxweyne Waare Oo lagu Soo dhoweyay Baladweyne Kuna Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Al-Shabaab+sawiro

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle oo ay kamid ahaayeen Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ayaa  gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, iyadoona siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha.

Amaanka Magaalada Beledweyne ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo Kulan soo dhaweyn ah wafdiga Madaxweynaha loogu sameeyay Xarunta Maamulka.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo lahadlay bulshada ayaa waxa uu ka codsaday inay ka qeyb qaataan Howlgalada lagula dagaalamayo  Al shabaab, kuwaas oo ka bilowday deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

“Xiligii la ii doortay ilaa hada waxaan waday diyaar garow waad lasocotaan in howlgalada bilaabmeen waxaana rabnaa in waddooyinka aan furno, Howlgalada ma joogsanayaan dhamaan shacabka waxaa ka codsaneynaa inay ka qeyb qaataan sidii Cadowga umadda Soomaaliyeed guud ahaan dalka looga ciribtiri lahaa”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale Dhalinyarada ugu baaqay inay iska wacyi galiyaan in loo adaagsado Dagaalada, laga doonayo inay noqdaan kuwa garab taagan oo la shaqeeya maamulkooda.

“Waxaan rabaa in aan si gaar ah ula hadlo dhalinyarada oo dabka lagu shubaayo hooyooyinka sidoo kale, waa in Dhalinyarada yar yar laga wacyi galiyaa oo loo sheegaa qatarta Maleeshiyada Al shabaab, taas waxay keeneysaa inaan la qaldin Dhalinyarada oo ah Mustaqbalka dalkan”.ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Hoos kadhgeyso codka waare