Dhageyso:>Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Oo Markale Xukun Ku Riday G/Sare Cabdinaasir Xoosh

Maxkamadda  Sare Ciidanka Qalabka sida ayaa Xukun dil Toogasha ah ku xukuntay Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya.

Waxaa lagu eedeeyay in uu  dil bareer ah u geystay Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidamada Badda Sareeyo Guuto Siciid Aadan Yuusuf Mariino.

Maxkamadda Ciidamada ayaa horay u dhageysatay Kiiska waxaana ugu dambeyntii ay maanta ku xukuntay dil toogasho ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida S/guuto Liibaan Cali Yarow , ayaa ku dhawaaqay xukunka Sarkaalkaan.

Yarow ayaa wuxuu sheegay dood dheer kadib xukunka maxkamadda inuu noqday xil ka xayuubin iyo dil toogasho ah in lagu xukumo Sarkaalkaasi.

Ehelada Marxuumka dilka loo gaystay ayaa dalbaday in cadaalada la waafajiyo kiiska dilka, eedeysanaha dilka gaystayna tiirka loo geeyo, ugu dambeyna xukunkii maxkamadda wuxuu noqday dil toogasho ah.