Dhageyso:>Senator Katirsan Aqalka Sare “Musuqu Waxa uu Marayaa Heerkii ugu Sareysay”

Sanoter Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex oo ka mid ah Xildhibaanadda Aqalka Sare ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey burburkii  Sanadkii 1991 dalka uu ka dhacay musuq maasuq ballaaran kaas oo saameeyay hantidii Qaranka.

Waxa uu sheegay in dhammaan hantidii qaranka uu lahaa uu gacanta u galay Shaqsiyaad kuwaas oo u baahan in lala xisaabtamo.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu Senator Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex ugu baaqay in ay warka soo saarto hantida qaranka ee la boobay si guddiga madaxa banaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ay Shaqadooda u fududaato.

Hadalka Sanoter Cabdi Waaxid Cilmi Goonjoox ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay marwalba ku celceliso in ay la-dagaalami doonto musuq maasuqa.

HOOS KADHEGEYSO CODKA XILDHIBAANKA