Dhageyso:Wasaaradda Amniga Somaaliya Oo Ganacsatada Uga Digtay In Ay Qaataan Amaradda AlShabaab

Cabdicasiis Xildhibaan Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo Warbaahinta Maanta kula hadlay Muqdisho ayaa u digay Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu sheegay in qaarkood ay lacago siiyaan Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay gacanta ku hayaan Liiska Ganacsatado Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay lacag siiyaan Al-Shabaab laakin cidii lagu qabtaa ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Milkiilayaasha garoomada Salaxa ee Kubbada Cagta ee Muqdisho  aysan ku xiri Karin amarka Al-Shabaab.

Waxa uu xusay in garoomadda Muqdisho oo dhawaan ay xireen Al-Shabaab in uu ku baaqayo in la furo, maadaama Al-Shabaab aysan ka talin Magaalada Muqdisho.

Waa digniintii labaad ee ka soo baxda Afhayeenka Wasaaradda Amniga mudo todobaad gudihiis ah kadib markii ay soo baxeyn Warar sheegayay in Al-Shabaab ay xireen inta badan Garoomadda Salaxa ee lagu ciyaaro ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso CodkaÂ