DHAGEYSO:Wasiirka Wasaarada Maaliyadda oo sheegay Shaqo Joojintii Ganacsatadda G/Banaadir in ay Sameyn weyn kuyeelatay daqliga dalka soogala

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradiisa bishaan febraayo.

Wasiir Bayle ayaa si cad u sheegay in shaqo joojinta ay sameeyeen ganacsatada gobolka banaadir iyo khilaafka Wasaarada iyo ganacsatada soo gala dhex galay inuu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalka soo geli jiray.

Waxa uu tilmaamay in Febraayo maarso lacago badan aysan dalka soo galin daqliga dowladda soo geli jirayna uu yaraaday.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in shirarkii ugu dambeeyay ee la qabtay lagu amaanay hanaanka maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Waxa uu xusay in Hay’adda lacagta aduunka lagui dhiira geliyay in dowladda Soomaaliya ay la sii shaqeyso maadaama ay sameysay maamul wanaag dhanka maaliyadda ah iyo koror miisaaniyadeed.

Hoo kadhegeyso codka wasiirka