DHAGEYSO:>Xiisad U Dhaxeysa Al-Shabaab Iyo Dad Shacab Ah Oo Ka Taagan Shabeellaha Dhexe

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Shabaab iyo dadka shacabka ah ayaa ka taagan duleedka Degmada Mahadaay oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Tuulo lagu magacaabo Miirtaqwa ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagan tahay xiisadan, iyadoo maalmihii la soo dhaafay tuulooyin kale ay ku dagaalameen Shabaab iyo dadka shacabka ah.

Shacabka ayaa ka biyo diiday inay bixiyaan lacag ay Shabaab soo dalbadeen, taasi oo ay ku sheegeen inay tahay Zakawaad, waxayna Shabaab doonayaan dhamaan dadka tuulooyinka in lacagtaan laga aruuriyo.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay inay is aruursadeen, ayna diyaar u yihiin inay la dagaalamaan Shabaab si ay isaga celiyaan oo xoolahooda aanan loo qaadan.

Al Shabaab ayaa la sheegaa lixdii biloodba mar inay dadka ka qaadaan xoolo ama lacag ay ku sheegaan inay Zakawaad, waxaana jirta dadka qaar oo arrintaasi ka soo horjeesta, waxayna taasi keentaa xiisad shacabka iyo Shabaab u dhaxeysa inay abuurmato.