Dhalinyaro Ka Soo jeeda Deganada Galmudug Oo laga Sii daayay Xabsi Ku yaala Hargeysa

Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay  Xarunta Madaxyooyada ee Magaalada Hargeysa ku qaabilay madax-dhaqameed uu hoggaaminayo guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Hawiye, Mudane Maxamed Xasan Xaad.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Hawiye oo ka qabsoomay xalay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, ayey bahda dhaqanku madaxweynaha ugaga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo burcad-badeednimo u xirnaa, kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhawaan cafis u fidiyey.

Madaxda dhaqanka ee beelaha Hawiye, ayaa maantaba kasoo ,ambaxay Magalada Hargeysa, iyaga oo hoggaaminaya 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska kusii daayey, kuwaas oo muddo 9 (sagaal) sanno ah ku xirnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, waxana sii sagootiyey la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan. Kulanka xalay waxa madaxweynaha ku wehelinayeen masuuliyiin isugu jiray wasiiro, taliyeyaal iyo xeer ilaaliyaha qaranka.