Muqdisho – Bilan Media
Muddooyinkii ugu dambeeyey, magaalada Muqdisho waxa si isa soo taraysa ugu soo laabanaya dhallinyaro hal-abuur leh oo muddo ku maqnaa dalka dibaddiisa. Dhammaan waxay wadaagaan hal hadaf: in ay dalkooda ku hirgeliyaan fikrado cusub iyo ganacsiyo yaryar oo ku dhisan xirfado gacanta lagu barto.
Mid ka mid ah dhallinyaradaas waa Maxamed Abdiqadir, oo dalka ugu soo laabtay in uu hirgeliyo hab casri ah oo dhallinyarada loogu baro xirfadaha fudud, gaar ahaan baarista bunka iyo diyaarinta cabbitaannada noocyadooda kala duwan.
“In qofku dalkiisa ku soo laabto, horumarna ku sameeyo, yoolkiisana hiigsado — taas wax ka muhiimsan ma jiraan. 85% dadka halkan wax ka barta waa jaamacadeyaal shaqo la’aan ah,” ayuu yiri Maxamed, isagoo intaas ku daray in dhallinyaradii xifadda dhammaysata ay hadda si buuxda uga shaqeeyaan meherado ka kala furan magaalada Muqdisho.
Farhiyo, oo ka mid ah ardayda wax ka barata xarunta uu Maxamed maamulo, ayaa sheegtay sababta ay xirfadda baarista u dooratay:
“Waa xirfad muhiim ah oo qofka u sahleysa in uu si madax bannaan u shaqeeyo. Inkasta oo dad badan u haystaan in ay ragga kaliya u gaar tahay, haddana qof kasta oo xiiseeya wuu baran karaa.”
Dhanka kale, Maxamed Yuusuf, oo ka mid ah dhallinyarada horay u dhammaystay xirfadda, hadda waxa uu si toos ah uga shaqeeyaa mid ka mid ah meheradaha magaalada:
“Xirfaddan waa mid fudud oo qofkii bartaa si degdeg ah ugu shaqayn kara. Waa waddo wax ku ool ah oo looga bixi karo shaqo la’aanta.”
Luul Maxamed Adan, oo iyaduna wax ka barata xarunta, ayaa gabdhaha Soomaaliyeed ku dhiirrigelisay barashada xirfadaha gacanta:
“Waxaan ku boorinayaa dhammaan gabdhaha in ay bartaan xirfado shaqo-abuur leh, gaar ahaan xirfaddan baarista, si ay noloshooda u horumariyaan.”
W/Q: Shukri Mohamed Abdi
Bilan Media