DHEGEYSO:.Bamaanbax kadhacay Beledweyne

Sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka kunool Magaalada Beledweyne Banaabax ballaaran ayaa ka socda Bartamaha Magaalada Beledweyne.

Dibadbaxa ayaa yimid ka dib markii Askari ka tirsan Cidamada dowladda uu Bartamaha Magaalada ku dilay darawal Mooto Bajaaj.

Dadka Banaanbaxa sameynaya ayaa ah dad ka careysan dilka loo geystay ninka Mootaalaha ah, waxaana la sheegay in Askarigii dilka geystay aan la qaban.

Maamulka degmada iyo kan gobolka ayaa wadda dadaallo lagu daminaayo Banaanbaxa oo ah Mid xooggan oo rabshado wata.

Hoos kadhgeyso codk shacabka