Gudoomiye jawaari “Daka Dhahaya Wuu iscasilayaa Waa ay Hurdayaan ee Hurdada Hakatuusaan”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar  lagu baahiyay baraha Bulshada saacadihii la soo dhaafay kuwaas oo sheegayay in uu is casilayo markii ay korortay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay Moshinka ka dhanka ah.

Afahayeenka golaha shacabka oo ay ku furanyihiin mowjado siyaasadeed oo ka dhashay muranka xoogeystay ee u dhaxeeya isaga iyo Ra”iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay yihiin wararka lagu faafiyay Baraha Bulshada.

“Waxaan u sheegayaa dadka dadka faafinaya in in aan iscasilayo riyo ayay ku jiraan,waxaan soo maamulay Madaxweynayaal hore Ra’isulwasaarayaal marka waxaan idiin sheegayaa in uu sharcigu sareeyo isagana lagu kala baxayo”