DHEGEYSO :Maamulka G/Hiiraan oo sheegay in ay dagaal ku dileen xubno ka tirsan Shabaab

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Hiiraan Cusmaan Muumin Garbo oo wareysi siiyay warbaahinta  ayaa sheegay in dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiye Cusmaan ayaa sheegay in dagaalka ay sidoo kale khasaare ugu geysteen Al-Shabaab, maadaama uu tilmaamay Ciidamada in ay ahaayeen kuwo diyaarsan, oo dagaalkooda uu ahaa mid oqrsheysan.

Waxa uu tilmamay in Gobolka Hiiraan uu ka bilowday howlgalkii ugu weynaa ee lagu qaadayo degaanada ay Al-Shabaab ka joogaan Gobolka, si looga saaro.

 Sidoo kale waxa uu xusay in ay ka shaqeynayaan sidii guud ahaan gobolka Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa sidoo kalena loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa Ciidanka iyo Shacabka gobolka Hiiraan.

Hoos kadhgeyso codka Guddoomiye ku xigeenka amniga ee Gobolka Hiiraan Cusmaan Muumin Garbo