DHEGEYSO Madaxweynaha Koofur galbeed “AMISOM way ku fashilantay isku furida wadooyinka ay go’doomiyeen Shabaab

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka hadlayay amniga wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo ayaa sheegay in wadadaas dhibaatooyin badan ay ka jiraan, AMISOM-na ay joojisay isticmaalka wadada.

Waxa uu xusay in wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ay muhiim u tahay shacabka Koonfur Galbeed, dowladda federaalka Soomaaliya ayuu uu baaqay iney ka shaqeyso furista iyo nabadeynta wadadaasi, Sidoo kale waxa uu sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan wadada xiriira Afgooye iyo Baraawe iyo mida kale ee aada Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si cad u sheegay in Ciidamada AMISOM ay ku fashilmeen in ay furaan wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in si dhaqsi ah loo furo wadooyinka xeran iyo kuwa ay Al-Shabaab go’doomiyeen, AMISOM iyo ciidanka dowladdana looga baahan yahay iney furaan wadooyinkaasi.

Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba ee ka kala tirsan gobolka Banaadir iyo gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ka taagan dhibaatooyin taasi oo ah in dhac iyo dhibaato loo geysto shacabka isticmaalaya wadada.

Waxaa xusid mudan in Sanadkii la soo dhaafay ee 2017 Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre safar ay ku tageen Magaalada Baydhabo waxay u ballan qaadeen shacabka gobolka Baay in gabi ahaan la qaadi doono isbaarooyinka yaalla wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, balse taas badalkeeda waxaa kordhay tacadiga loo geysto dadka Shacabka ah ee ku safra wadada.

Hoos kadhegeyso codkaq madaxweynaha koofur galbeed