DHEGEYSO;.Madaxweyne Gaas Oo Sheegay in uu Soo dhoweynayo waxkasta Oo nabad uhorsedi Kara puntland iyo somaliland

Kadib codsi uga yimid Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas  Boqor Buur Madoow oo ahaa in la xaliyo xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ee deegaanka Tukaraq.

Boqorka ayaa madaxweyne Gaas ka codsaday in uu aqbalo in lakala qaado ciidamada mudada dhowrka bilood ah iskuhor-fadhiya deegaanka tukaraq kuwaas oo qarka u saran in ay wada dagaalamaan.

Madaxweyne Gaas oo ka jawaabayey hadalka Boqor Buur Madoow ayaa sheegay in Puntland ay marwalba Nabada jeceshay,isla markaana madaxweynaha Soomaaliland ee Muuse Bixi uu ku xeran tahay in uu ogolaado xalka.

Sikastaba deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa iminka Gacanta ku haya Ciidamo ka tirsan kuwa soomaaliland oo kala wareegay Ciidamada Puntland,waxana halkaasi mudo dhowr bilood ah iskuhor-fadhiya Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland