DHEGEYSOA:>Gudoomiyihii Degmada balanbale oo iska diiday xilkaqaadis uu kusameeyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug

Gudoomiyaha Degmada balan bale Jaamac Xeyle Maxamed  ayaa iska diiday xilka Qaadis uu Kusameeyay Madaxweyne  kuxigeenka Galmudug Maxamed  Xaashi  Cabdi  Carabey  Waxa uu sheegay in Aan sifa sharci ah loomarin xilka qaaadistiisa.

Gudoomiyaha Jaamac  oo wareysi  gaar ah siinayay Radiogalgaduud  ayaa waxa uu tusaale usoo qaatay Heshiiskii lagu gaaray Dalka Jabuuti isagoona sheegay in qodobka 14 tobnaad uu dhigayay in aan Gudoomiye labedeli Karin ilaa maamuladu sitoo ah isugu biirayaan.

Jaamac xeyle maxamed ayaa waxa uu ku adkeytay in uu yahay  gudoomiyaha Degmada balanbale isla markaasina uu shaqadiisa siiwadanayo .

Weli maamulka galmudug kama aysan hadlin diidmada xilkaqaadista gudoomiyaha degmada balanbale .

Hoos kadhegeyso codka gudoomiyaha balanbale jaamac xeyle maxame

d