DHEGEYSO;>Amaro laga Soo saaray Amaanka Degmada Guricel

Kulan ay isugu yimaadeen Maamulka Degmada iyo laamaha Amaanka oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha degmada Guriceel Cabdullaahi Maxamed Barre waxaana kulanka lagu lafa guray  Arrimo la xiriira dhinaca Amniga.

kulanka oo in mudo ah socday ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay Amaanka Degmada guricel oo ay dhowaan lawareegen ciidamo katirsan Dowlada somaaliya.

Ugu dan beyntii kulanka waxaa laga soo saaray arimo laxariira dhinaca Amaanka qodobadii laga soo saaray waxaa kamid ahaa in gawaarida muraayadaha madow Aan lagu dhexwadan karin Degmada iyo in Hey,adaha iyo goobaha gaarka loo ilaal shaa ay soo diwaan geliyaa Hubkooda iyo qodobo kale oo laxariira Aamaanka,

Madaxa warfaafinta Macalin qaasim shikh mire ayaa warbaahinta u Aqriyay qodobadii laga soo saaray kulanka