DHEGEYSO:>Amniga Gobolka Sh/Hoose Oo laga deyrinayao

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey weeraro iyo qaraxyo ay dad shacab ah oo farabadan ay ku dhinteen.

Qaraxyada  oo ay dad badan ku dhinteen waxa ay  ka dhacayn suuq ku yaala degmada Wanlaweyn laba maalin oo isku-xigta,iyada oo dhinaca kalena duqeyn ay ka dhacday deegaanka Bariire.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Qoryooleey ee isla gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaaladas iyo qaraxyada aya ku soo aadaya xilli madaxda dowladda Soomaaliya ay sheegeen in ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Hadaba Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaah Hoose ayaa ka hadlaya