DHEGEYSO;Axmad madoobe oo sheegay in uu kaqeyb qaatay Dhexdhexaadinta ONLF iyo Itoobiya

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa warbixiyay shirar uu kaga qayb galay Magaalada Nairobi isagoo xusay in ay shirarkaas ahayeen kuwo lagaga hadlayay sidii loo dhamayn lahaa xaalado mudo badan ka taagnaa Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya isla markana saamayn toos ah ku lahaa Soomaalida kale.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in shirarkaas ay muhiim u yihiin Soomaalidu in ay door ku yeelato oo ay mustaqbalka aragti iyo tilmaan howlahaas kaga qayb qaadato Sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa gobolka Geeska Afrika loona dhamayn lahaa mushkiladaha wali gobolka ka jira.

Wuxuu rajo Wanaagsan ka muujiyay in wax walba ay sidii loogu tala galay ku socdaan isla markana ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku hirgalayaan qodobadii laga wada hadlay.

HOOS KADHGEYSO CODKAÂ